Wararkii Ugu Dambeeyay
May 25, 2025
Baarlamaanka Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada oo Loo Baahan Yahay in ay Soo farogeliyaan Dhul-boobka iyo Dulmiga ay Ku Kaceen Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisa
Iyadoo munaafaqnimada iyo danaysiga gaarka ah ay ka dhex abuurmeen bulshada heer rajadii iyo isku kalsoonaantii lagu dhisi lahaa qaran wadajir u shaqeeya ay hoos u dhacday, waxaa maanta muuqata in dadka leh xilalka, dhaqaalaha iyo aqoonta badankoodu ay hormuud ka noqdeen barakicinta iyo guryaha ka saarista dadka danyarta ah.
Dhulka iyo guryaha ay dadku muddo ku noolaa waxaa lagu boobayaa sharci-darro iyo awood dowladnimo oo lagu takrifalay, iyadoo xukuumadda uu hoggaamiyo "Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud" iyo Ra’iisul Wasaare "Xamsa Cabdi Barre" ay ku fashilmeen ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Waxaa ka sii daran in culimada, aqoonyahanka iyo madaxda bulshada badankoodu ay ka aamuseen xaqa ay ahayd in ay cadeeyaan, taasoo keentay in dulmigu noqdo cudur ku faafaya meel kasta.
Waxaa jirta koox dad ah oo taageeraya dowladda keliya sababtoo ah xiriir "qaraabo, qabiil, ama dano gaar ah," iyagoo aan u eegin danta guud iyo xaqa shacabka.
Waxaa la joogaa waqtigii la "fahmi lahaa" in taageerada lagu saleeyo wanaagga iyo waxqabadka, halka khaladaadka iyo dulmiga looga dhiidhiyo si loo badbaadiyo dalka iyo dadka.
Xisbiga KOBAC wuxuu ku baaqayaa:
- In si degdeg ah loo joojiyo dhul-boobka iyo barakicinta dadka aan haysan difaac iyo taageero.
- In la sameeyo qorshe qaran oo lagu daryeelo dadka barakacay, lana siiyo hoy, adeeg caafimaad, iyo taageero nololeed.
- In la joojiyo ku takrifalka awooda dowladnimo, lana hubiyo in hantida guud iyo awoodda dowladda loo adeegsado danaha shacabka oo dhan.
- In culimada, aqoonyahanka iyo madaxda bulshada ay ka dhiidhiyaan dulmiga, kana shaqeeyaan mideynta bulshada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Haddaan maanta aan la joojin falalkan guracan, waxay keeni doonaan kala tag bulsho, jahwareer siyaasadeed, iyo burbur sii socda.
Xasan Sheekh iyo xertiisa way tagayaan goor ay ahaataba, balse taariikhdu way xusi doontaa cid kasta oo garab siisay gabood-falka maanta socda.
Ummaddu waxay horumar ku gaari kartaa oo keliya marka ay xaqa isu hiiliso, cadaaladdana loo istaago iyadoon loo eegin qaraabo, qabiil ama dano gaar ah."